Qaramada Midoobay oo ku baaqday in baaritaan lagu sameeyo muhaajiriin lagu gubay xeebaha Liibiya

Published: October 10, 2022

Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday mas’uuliyiinta Liibiya in baaritaan lagu sameeyo dilka 15 muhaajiriin ah oo lagu gubay meel u dhaw magaalo xeebeedka Sabratha.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Liibiya ayaa sheegay inay u badan tahay in muhaajiriintaas ay ku dhinteen dagaal u dhexeeyay laba koox oo “magafayaal” ah.

Liibiya ayaa sanadihii la soo dhaafay marin muhiim ah u ahayd dadka doonaya inay tahriib ku galaan Yurub, gaar ahaan Talyaaniga.

Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday xukuumadda Liibiya inay baaritaan ku samayso falkaas, ayna sharciga la tiigsato kuwa ka dambeeyay.

Meydadka muhaajiriinta ayaa Jimcihii laga helay doon ku gubatay meel u dhaw xeebta magaaladaas.

Dadka la laayay ayaa la sheegay inay u badan yihiin Afrikaan ka yimid Koonfurta qaaradda.

Hay’adaha xuquuqda aadanaha iyo warbaahinta ayaa marar badan tabiyay in kooxahaas ay qaab bani’aadannimada ka baxsan ay ula dhaqmaan dadka doonaya inay ka tallaabaan badda Mediterranean-ka.  

Horseed Media