Qarax aad u xooggan oo ka dhacay magaalada Jowhar

Published: August 7, 2022

Qarax aad u xooggan oo jugtiisa laga maqlay guud ahaan xaafadaha ee magaalada Jowhar ayaa ka dhacay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hir-Shabeelle.

Qaraxa ayaa lasoo sheegay inuu ahaa mid lagu xiray gaari nooca loo yaqaan NOAH, kaasoo yaalay agagaarka hotelka Nuur doob oo ahaa hotelkii dhawaan lagu weeray Wasiiro katirsan Hirshabeelle.

Qaraxa waxaa uu sababay khasaare kala duwan inkastoo aan weli si rasmi loo shaacin, waxaana Ciidamada Ammaanka ay xireen dhammaan waddooyinka soo gala goobta uu qaraxa ka dhacay.

Jowhar oo ah caasimada HirShabelle iyo xarunta gobolka Shabeelah Dhexe waxaa dhowaan ka dhacay qarax Ismiidaamin ahaa oo waxyeelo kasoo gaaray qaar ka mid ah wasiiradda maamulka Hirshabeelle iyo dad shacab ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *