Qarax ay ku dhinteen 19 arday oo ka dhacay caasimadda dalka Afghanistan ee Kabul

Published: September 30, 2022
Shares30

Qarax noociisu ahaa is-miidaamin ayaa ka dhacay xarun waxbarasho oo ku taal caasimadda dalka Afghanistan ee Kabul.

Qaraxa waxaa ku dhintay 19 arday xilli ay isku diyaarinayeen imtixaan subaxnimadii maanta, sida ay booliisku sheegeen.

Qaraxan ayaa ka dhacay xaafadda Dasht-e-Barchi ee galbeedka magaalada Kabul, halkaas oo ay ku badan yihiin Muslimiinta Shiicada ah oo ay degan yihiin bulshada laga tirada badan yahay ee Hazara, halkaasoo ay ka dhaceen weerarradii ugu khasaaraha badnaa ee Afghanistan.

Muuqaalo la soo galiyay online-ka iyo sawiro ay daabacday warbaahinta gudaha ayaa muujinaya dad dhiig ka daadanayo oo goobta laga soo qaadayo.

Dib ugu soo laabashada Taalibaan ee Afghanistaan ee sanadkii hore waxay soo afjartay dagaaladii labaatanka sano socday, waxaana si weyn hoos ugu dhacay rabshadihii, laakiin ammaanka ayaa bilaabay inuu sii xumaado bilihii la soo dhaafay.

Horseed Media