Qarax geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Published: March 1, 2017

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax xoogan uu ka dhacay degmada Dharkenleey ee gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa la sheegayaa in uu ka dhashay gaari nooca raaxada ah oo uu watay wiil dhalinyaro ah, iyadoo uu ka dhashay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Goob joogayaal ku sugnaa goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay gaari uu watay wiil dhalinyaro, kaasi oo la rumeysan yahay in uu ahaa mid loogu xiray gaariga

Ilaa iyo hadda ma ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada qaraxasi, waxaa jira laba qof oo shacab ah oo qaraxaasi dhaawacyo fudud ka soo garaay

Shalay ayey ahayd markii mid ka mid ah ganacsatada magaalada Muqdisho gaarigiisa loogu xiray qarax, xili uu ku sugnaa degmada Waaberi.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *