Qarax ka khasaare geystay oo dhacay Magaalada Muqdisho

Published: April 25, 2022

Qarax geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah ayaa barqanimadii maanta ka dhacay agagaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday gaari uu la socday sarkaal ka tirsan ciidamada milatariga Soomaaliya oo xilligaas marayey wadada.

May be an image of 1 person

Sarkaalka la qarxiyey oo uu dhaawac soo gaaray ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Janeraal Maxamed Xaashi Guuleed, wuxuuna  kasoo baxay xarunta taliska ee Villa Baydhabo.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan ay ku dhinteen ugu yaraan saddex qof oo kala ah mid ka mid ah ilaalada sarkaalka la beegsaday, darawalkiisa iyo qof kale oo shacab ah, sida ay innoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Qaraxa, kadib waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo muddo kooban hakiyey dhaq-dhaqaaqa wadadaas, walow markii dambe ay xaaladu ku so noqotay mid caadi ah.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan weerarkaasi loo adeegsaday miinada.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *