Qarax sababay bubur xooggan oo lala eegtay Buundada degmada Buuloburde

Published: October 19, 2022
Shares52

Qarax xooggan oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhacay degmada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay xaafadaha degmada buulo-burde ayaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa.

Qaraxa ayaa lagu burburiyay Buundada degmada kala qeybisa isla markaanna isku xirta degmada Buulo-Burde iyo degaannada hoostaga.

Ciidamo katirsan kuwa ammaanka degmada Buulo-Burde iyo mas’uuliyiin kale ayaa tegay halka uu qaraxa ka dhacay, iyada oo Isitaalka degmada Buulo-Burde la geeyay dadkii qaraxaasi ku waxyeeloobay.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Masuuliyiinta Dowladda oo ku aadan qaraxaas khadaaraha kala duwan geystay.

Horseed Media