Qarax Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Ka Dhacay Muqdisho (Faahfaahin)

Published: November 27, 2020

Waxaa caawa qarax xoogan uu ka dhacay maqaayad ku taalla agagaarka garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, kaas oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxan oo uu geystay qof isku soo xiray walxaha qarxa ayaa galay maqaayadan oo lagu magacaabo Gelato Divino, waxaana la sheegay kahor inta uu qaraxu dhacin inay ahayd mid aad u mashquul badan.

Inta la xaqiijiyey 7 ruux ayaa qaraxan ku dhimatay, halka tiro ka badan 10 ruuxna ay ku dhaawacmeen sida laga soo xigtay saraakiisha caafimaadka gaadiidka gurmadka deg deg ah ee Aamin Ambulance.

Wali laamaha amaanku kama hadal qaraxa, mana jirto cid ilaa iyo hadda sheegatay mas’uuliyadda qaraxasi, magaalada Muqdisho ayaana muddooyin waxa kusoo badanayey qaraxyada qorshaysan ee lagu bartilmaameedsanayo goobaha iyo masuuliyiinta dowlada.

Qaraxan ayaa kusoo beegmaya kadib markii uu maanta Muqdisho booqasho lama filaan ah ku tagay kusimaha wasiirka difaaca Maraykanka Christopher Miller oo isagu halkaasi kula kulmay sida la sheegay qaar ka mid ah ciidamada Maraykanka ee Soomaaliya ka howlgala.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *