Ciidanka Danab oo fashilyey qaraxyadi ugu badnaa ee al-Shabaab soo rakibeen

Published: April 3, 2022

Ciidanka kumaandooska Danab ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey Gobolka Mudug, kadib markii ay heleen xog sheegaysa qaraxyadii ugu badnaa ee al-Shabaab soo diyaariyeen bishan Barakaysan ee Ramdaan.

Howlgalkan oo ka dhacay koonfurta gobolka Mudug meel lu dhaw deegaanka Wisil, ayaa lagu diley laba xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, halka laba kalena la soo qabtey iyaga oo dhawac ah.

Ciidamada Danab ayaa gacanta ku dhigey gaari nooca land cruiser ah iyo ugu yaraan shan Miino oo nooca dhulka lagu aaso ah, afar qori oo AK47 oo ay wateen Shabaabkii qaraxa lagu qabtey.

Al-Shabaab ayaa kor u qaada weerarada qaraxyada ah ee ay geysteen inta lagu jiro bisha cibaadada ee ramdaanka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *