Qardho: Puntland oo bilowday gurmadka abaaraha

Published: August 10, 2022

Guddiga gudmadka abaaraha Puntland ayaa maanta daahfuray wajiga kowaad ee gurmadka abaaraha taas oo ka dhacday magaalada Qardho.

Guddiga ayaa sheegay in gurmadku uu ka bilaaban doono dhamaan gobalada Puntland.

Guddiga ayaa sheegay in sidda uu qorshuhu yahay in ka badan 2kun oo qoys maalmahan deeq raashin iyo dawayn isugu jirta la gaarsiinayo.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in ku dhaw 50kun oo qoys loo sameyn doono biyo dhaamin.

Daah-furka waxaa goob joog ka ahaa wasiiro ka tirsan Puntland, xubnaha gudigga gurmadka Puntland, Maamulka gobolka Karkaar, maamulada degmooyinka gobolka Karkaar, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha bulshada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *