Qatar oo dadaal ugu jirta Xabad-Joojinta dagaalka Gaza

Published: February 28, 2024

Dowlada Qatar ayaa sheegtay inay rajo ka qabto in xabad-joojin laga dhaqan geliyo Marinka Gaza, kahor intaan la gaarin bisha barakeysan ee Ramadaanka.

Qatar waxay “rajo ka qabtaa” xabbad joojinta dagaalka Gaza, waxayna xooga saareysaa in heshiis la dhex dhigo Xamaas iyo Israel, kahor bisha Ramadaan, ayuu yiri Majed al-Ansari oo ah afhayeenkeeda Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Qatar.

Qatar, oo martigelisa xafiiska siyaasadda Xamaas, ayaa dhexdhexaadiye muhiim ah ka ahayd wada-xaajoodyada u dhaxeeya Falastiiniyiinta, Israel, Maraykanka iyo Masar.

“Waxaan weli ku rajo weynahay, maahan taasi micnaheeda inaan ku dhawaaqi karno in heshiis la gaaray maanta ama berri, laakiin waxaan ku rajo weynahay inaan gaari karno heshiis xabad joojin ah,” ayuu yiri Majed al-Ansari.

Hase-yeeshee waxay weli dood ka taagan yihiin qodobada ay isku hayaan Xamaas iyo Israel, sida illaa inta ay socon doonto xabad joojinta iyo tiradda maxaabiista ay labada dhinac isdhaafsan doonaan.

Xamaas ayaa diidan xabad-joojin kooban, balse gorgortankeedu yahay in gebi ahaan dagaalka la joojiyo, Israel kala baxdo ciidamadeeda gudaha Gaza, dhankoodana ay sii daayaan maxaabiista ay hayaan.

Horseed Media