QM oo cambaareeyey weerarkii xerada Ceel-baraf

Published: May 5, 2022

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii khasaaraha badan dhaliyey ee ururka Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig ay ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ay ku leeyihiin gobolka Shabeellaha Dhexe oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa Burundi.

“Xoghayaha Guud wuxuu tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska dadkii lagu laayay, sidoo kale wuxuu tacsi u diray dowladda iyo shacabka Burundi. Wuxuu u rajeeyay caafimaad degdeg ah inta ku dhaawacantay weerarkaas.” Sidaasi waxaa lagu sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray afhayeenka xoghayaha guud Stéphane Dujarric.

Warsaxaafadeedka ayaa intaas sii raaciyey “Xog-hayaha guud waxa uu bogaadinayaa dhammaan ciidamada ATMIS, waxa uuna si qoto dheer uga mahadcelinayaa adeeggooda iyo sida ay uga go’an tahay nabadda iyo amniga Soomaaliya.

Xog-hayaha guud waxa uu mar kale ka codsanayaa beesha caalamka in ay taageero dhan walba ah siiyaan ATMIS iyo ciidamada amaanka ee Soomaaliya, dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay xafiiska Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *