Qodobo laga soo saaray Shirweynaha wadatashiga Qaran ee la dagaalanka Al-shabaab

Published: October 29, 2022
Shares20

Shirweynaha Wadatashiga Qaran ee la dagaalanka iyo Daaweynta Fikirka Xagjirka ah oo muddo shan cishe ah u socday wasaaradaha diinta iyo awqaafta ee dowladda federalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada, ayaa lagu soo gabgabeeyey Magaalada Muqdisho.

Xiritaanka shirka waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre, Madaxweynayaasha Dowlad goboleedyada Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabelle.

Shirka markii uu soo idlaaday kadib, waxaa laga soo saaray fadwo lagu taageerayo kacdoonka looga soo horjeedo kooxaha Alshabaab iyo Daacish.

Wasiirka diinta iyo awqaafta dowladda Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo xiganayay Fatwada ayaa sheegay in Shabaab iyo Daacish dagaalkooda bannaan yahay, ayna sahlan tahay in laga adkaado oo la suuliyo fikirkooda.

Qodobada Fatwada ee laga soo saaray shirka ayaa kala ah:

1: In lala dagaalo Alshabaab iyo Daacish

2: Inay xaaraan tahay dhaqaale kasta oo la siiyo Khawaarijta, islamarkaana ay isku mid yihiin, qarax side iyo qarash bixiye.

3: In maanta wixii ka dambeeya kooxaha Shabaab iyo Daacish loogu yeero Khawaarijta

4: In laga horyimaado wax kaste oo ka hor imaanaya shareecada islaamka iyo dhaqanka suuban, sida isticmaalka daroogada iyo anshax xumada baraha bulshada ee internetka.

5: In la taageero, loona sameeyo qorshe iyo siyaasad qaran oo lagu horumarinayo xarumaha diinta islaamka lagu barto.

6: In la dhiso sanduuqa Sakada iyo hay’adda awqaafta qaranka Soomaaliyeed.

7: In la qabto shirweyne ay kasoo qeyb galaan culimada ku sugan dalka iyo dibadda, si looga tashado, gaar ahaan ka ilaalinta diinta islaamka afkaaraha qalloocan.

8: In muddo kooban lagu dhameystiro habraacyada iyo xeerarka laga maarmaanka u ah dhismaha golaha sare ee  culimada Soomaaliyeed  oo ay u dhan yihiin dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada, kaasoo noqonaya marjaca diiniga ah.

9: In arrimaha xajka ay si wadajir ah uga wada shaqeeyaan wasaaradda diinta iyo awqaafta dowladda Soomaaliyeed iyo wasaaradaha diinta iyo awqaafta ee dowlad goboleedyada.

10: Shirweynuhu wuxuu bogaadinaya kacdoonka dadweynaha Soomaaliyeed ee ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta.

11: Ugu dambayn, shirweynuhu wuxuu ugu baaqayaa dammaan shacabka Soomaaliyeed inay u midoobaan la dagaalanka kooxaha kharaarijta diinta, bannaystana dhiiggooda iyo maalmooda.

Horseed Media