Qoor-qoor Oo La Kulmay Saraakiisha Amniga Gaalkacyo

Published: May 18, 2021

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta shir guddoomiyay shirka Amniga guud ee Galmudug oo ay kasoo qeyb galeen saraakiisha hay’adaha amniga.

Madaxweynaha ayaa warbixin guud ka dhageystay saraakiisha kala duwan ee Ciidamada qalabka sida oo ka warbixiyay xaaladda guud ee Amniga ee deegaanada Maamulka iyo howlgalada socda.

Madaxweynaha Galmudug ayaa ku sugan Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, halkaas oo uu u joogo xalinta shaqaaqooyin ka dhashay dil Gaalkacyo loogu geystay Sheekh Cali Axmed Faarax Sheekh Cali Dheere.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *