Qoraaga Salman Rushdie ayaa lagu dhaawacay New York.

Published: August 12, 2022
Halka weerarku ka dhacay

Salmaan Rushdie, oo ah qoraagii qoraalkiisa horseeday hanjabaado dil ah oo uga imaaneysay muslimiinta gaar ahaan dalka Iran sanadihii 1980-meeyadii, ayaa la weeraray maanta oo Jimce ah xilli uu muxaadaro ka jeedinayay galbeedka magaalada New York.

Weriye ka tirsan wakaaladda wararka ee [Associated Press] oo goob joog u ahaa markii weerarku dhacaayey, ayaa sheegay in; Rushdie uu khudbad ka jeedinayey xarunta [Chautauqua Institution] waxaana kusoo booday ninka weerarka geystay oo ku bilaabay inuu feer iyo toorey isugu daro Rushdie oo horey u aflagaadeeyey Diinta Islaamka, Kitaabka Alle iyo Nebi Maxamed NNKH.

Qoraaga ayaa dbulka ku dhacay, ninkii weerarka geystay waa la qabtey.

Buugga Rushdie ee uu buxiyey “Aayadaha Shaydaanka” ayaa laga mamnuucay dalalka Islaamka tan iyo sanadkii 1988-kii, dunida Muslimka ayaa u arkey buugaas inuu yahay mid aflagaado ku ah diinta Islaamka.

Sanad ka dib, hogaamiyihii hore ee Iran Ayatollah Khomeini waxa uu soo saaray fatwo, ama amar, isaga oo ku baaqaya in la dilo Salmaan Rushdie oo si weyn loo illaalin jiray.

Lacag ka badan $3 milyan oo dollar ayaa sidoo kale loo balanqaaday qofkii dila Rushdie.

Dowladda Iran ayaa muddooyinkii danbe iska fogeenaysay fatwadii Khomeini, balse naceybka muslimiinta u qabaan Rushdie ayaa sii jirtay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *