Rag Loo Haystay Qarax Lagu Dilay Masuul Dowladeed oo la Sii daayay

Published: March 19, 2020

Maxkamada ciidamad qalabka sida ee dowladda Federaalka ayaa xoriyadooda dib ugu celisay 4 Nin oo loo haystay qarax Lagu dilay guddoomiye ku-xigeenkii hore Arrimaha bulshada gobalka Shabeellada Hoose Cumar Maxamuud Cilmi.

Qaraxan oo 6 nofember ee sanadkii ka dhacay guriga Guddoomiyaha ayaa loo haystay Afartan nin oo  kala ah Ismaaciil Aadan Cadow oo guddoomiye ku xigeen ka ahaa waaxda  arrimaha bulshada degmada Afgooye, Cabdi Jaamac Cabbdi oo ahaa guddoomiyaha waaxda Ceelasha Biyaha, Cabbdikariim Nuur Maxamuud ayaa ahaa beeraley halka Daahir Cali Cabdi uu ka tirsanaa ciidanka ilaalada deegaanka “Minishiibiyo”.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku soo eedeyay Afarta ruux in ay ka mid yihiin Alshabaab iyo in ay ka dambeeyeen Qarax uu ku geeriyooday Allaha Unaxariiste Cumar Maxamuud Cilmi oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii Arrimaha bulshada gobalka Shabeellada Hoose.

Mid kamid ah Qareenada u dooday eedeysanayaasha ayaa Maxkamadda u sheega in aysan  jirin wax cadeyma ah oo muujinaya in ay ka dambeeyeen raggan qaraxa uu ku geeriyooday guddoomiye ku xigeenku, sidaas darteedna ay u cosadeen inaan loo ciqaabin natiijada  tuhun aan buuxin shuruudaha eedda.

Maxkamadda ayaa ugu dambeyn go’aamisay in afarta eedeysane ay xur yihiin hadii aysan jirin eedo kale oo loo haysto sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamad Qalabka Sida.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *