Ragga Ruushka oo ka qaxaya in la qoro ciidamada ka dagaalamaya Ukraine

Published: September 27, 2022

Kumanaan kun oo rag ah ayaa ka cararaya dalka Ruushka si ay uga baxsadaan amarka kasoo baxay Putin ee lagu qorayo boqolaal kun oo ciidamo horleh oo ka dagaalama Ukraine, abaabulkan oo ah kii ugu horeeyey ee uu Ruushka sameeyoo tan iyo dagaalkii labaad ee adduunka.

Madaxtooyada Ruushka ee Kremlinka ayaa sheegtay in aan wax go’aan ah laga gaarin in la xiro xuduudaha Ruushka si loo joojiyo qulqulka ragga da’da militariga gaaray ee ka cararaya waddanka kadib markii Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin sheegay in la diiwaangelinayo ciidamo horleh.

Tirrada rasmiga ah ee ciidamada la qorayo ayaan weli la shaacin, Madaxtooyada Putin ayaa qarisay tiradda saxda ah walow ay saraakiisha dowlada sheegeen 300-kun, balse xog sir ah oo ay baahiyeen xubno ku dhaw dhaw Putin ayaa sheegaysa tirada la rabo in la qoro ciidamada ay gaareyso 1-milyan oo askari.

Duulimaadyadda ka baxa Ruushka ayaa gebi ahaan buuxa, waxaana gaadiid badan lagu arkayaa kontaroolada xuduudaha, iyadoo la sheegayo in 48 saacadood saf loogu jiro xuduudka wadada kaliya ee aada dalka Georgia, wadankaasi oo u ogol muwaadiniinta Ruushka inay soo galaan fiiso la’aan.

Inta baddan shacabka Ruushka ayaa kasoo horjeeda dagaalka Ukraine ee khasaaraha baddan keenay, balse Madaxweynaha Ruushka Putin ayaa weli ku adkeysanaya inuu dagaalka sii wado illaa uu gaarayo wax guul ah.

Horseed Media