Ra’iisal Wasaaaraha Itoobiya oo ballan qaaday in uu hirgalinayo heshiiskii ay dowladdiisu la gashay TPLF

Published: November 16, 2022

Ra’iisal Wasaaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa ballan qaaday in uu si daacadnimo ah u hirgalinayo heshiiskii ay dowladdiisu maalmo ka hor la gashay TPLF.

Ra’iisal Wasaaar Abiy ayaa sheegay inaysan wakhti xaadirkan haboonayn in laga hadlo arrimaha khilaafku ka jiro ee galbeedka gobolka Tigray, halkaas oo Ciidamada gobolka Axmaaradu ay qabsadeen billowgii dagaalka u dhaxeeyay dowladda Itoobiya iyo TPLF.

Sidoo kale Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed waxa uu sheegay inay waajib tahay in dadka Tigreeggu mar kale dib usoo celiyaan dib u dhiska noloshooda, isagoo xusay in dadka ku dhaqan gobolka Tigray ay mar walba yihiin dad raba inay si nabad ah ku noolaadaan, wakhti xaadirkana u baahan in la gaarsiiyo cunto iyo waxyaabaha nolosha aasaasiga u ah.

Tan iyo intii heshiiska ay kala saxiixdeen dowladda Itoobiya iyo TPLF waxaa markii u horreeyay magaalada Maqale gaarey labo gawaari xamuul ah oo sida gargaar isugu jira daawo iyo agab kale oo ay keentay Hay’adda Laanqeyrta cas ee caalamiga ah.

Kadib markii labada dhinac heshiiska ku kala saxiixdeen dalalka Koonfur Afrika iyo Kenya waxaa si buuxda u istaagay dagaalkii mudada labada sano ka socday gobolka Tigray.

Horseed Media