Ra’iisal Wasaare Rooble oo digniin u diray laamaha amniga 

Published: April 26, 2022

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay ficillada gurracan iyo isku dayada is daba joogga ah ee lagu carqaladeynayo habsami u socodka doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga digay taliyeyaasha CIidammada Booliska iyo Nabad Sugidda  in ay ku lug yeeshaan falalka gurracan ee lagu carqaladeynayo habsami u socodka doorashada oo heer gebogebo ah mareysa.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo khadka telefoonka kula hadlay Guddoomiyaha KMG ee Golaha Shacabka ayaa ku bogaadiyay sida geesinimada leh ee guddoonka  KMG ee labada aqal u wadaan howsha doorashada,kuna dhiirrigeliyay in ay waajibaadkooda gutaan.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu xusuusinayey xildhibaannada BJFS inay in ay saaran tahay mas’uuliyadda ugu sarreysa ee dalka waxa uuna ku dhiirrigelinayaa in ay u miboobaan dhammeystirka doorashada dalka si looga gudbo marxaladdan adag.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *