Ra’iisul Wasaaraha Canada oo Karantiil galay kadib markii xaaskiisa looga shakiyay cudurka Coronovirus

Published: March 13, 2020

Justin Trudeau Ra’iisul Wasaaraha Canada ayaa karantiil iskiis ah is-galiyay kadib markii xaaskiisa Sophie Trudeau lagu arkay calaamado xumad ah iyadoo ka soo laabatay dalka Ingiriiska.

“Si deg-deg ah ayay talooyin caafimaad u raadsatay, waana laga baaray COVID-19 virus.”ayaa lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha. “Iyada ayaana dooratay in ay is karantiisho oo guriga ku sugnaato qandhadana way ka soo wanaagsanaanaysaa,”ayaa la sii raaciyay.

Dhakhaatiirta ayaa kula talisay ra’iisul wasaare Trudeau in howl maalmeedkiisa si caadi ah isaga wato inta uu ku jiro karantiilka gurigiisa. Balse ra’iisul wasaaraha ayaa door bidey inuu guriga ku nagaado illaa laga helayo natiijada baaritaanka xaaskiisa ee cudurka Coronaha.

Dalka Canada ayaa lagu arkay illaa boqol ruux oo qabta cudurkan iyadoo 42 ruux laga helay Ontario, 46 kalana British Columbia, Siddeedna Quebec halka 19 kalana laga helay Alberta.

Corona ayaa noqday cudur si wayn ugu faafaya dunidda, waxa uuna saamayn ku yeeshay isu-socodka iyo dhaqaalaha caalamiga ah.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *