Ra’iisul wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif, oo beeniyay eedeymo uga yimid Imran Khan

Published: November 6, 2022

Ra’iisul wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif, ayaa beeniyay eedeymaha uga yimid hogaamiyaha mucaaradka ahna Ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaas Imran Khan oo ku eedeeyay in uu ku lug lahaa shirqool lagu dili rabay. 

Ra’iisul wasaare Sharif ayaa ka codsaday maxkamada sare in ay baaritaan ku sameyso Imran Khan sheegashada uu sameeyay. 

Hoggaamiyaha mucaaradka Imran Khan oo khamiistii ka qayb-galayay dibad-baxyo ka socda dalkaas ayaa nin hubaysan isku dayay in uu toogasho ku dilo, balse lug ayuu ka dhaawacay. 

Waxaa maalintii labaad guud ahaan Pakistan ka socda isu soo baxyo ay wadeen taageerayaasha Imran Khan oo looga horjeedo dowladda Pakistan.

Horseed Media