Ra’iisul Wasaaraha Sudan Cabdalla Hamdok oo ka badbaaday isku day dil.

Published: March 9, 2020

Cabdalla Hamdok Ra’iisul Wasaaraha dalka Sudan ayaa ka badbaaday isku day-weerar oo saaka lala beegsaday kulanyo galbinaysay, weerarkaan ayaa ahaa Qarax lala eegtay gaarigii uu saarnaa ra’iisul wasaaraha hase yeeshee wuu ka badbaaday sida laga soo xigtey sarkaal u hadlay ra’iisul wasaare Hamdun.

Hamdun ayaa la geeyay goob ammaan ah sida ay sheegeen saraakiil u hadashay xafiiska ra’iisul wasaaraha. Qaraxan ayaa lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo uu la socday ra’iisul wasaaraha xilli uu ku sii jeeday xafiiskiisa. Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada weerarkan.

Suudaan ayaa tan iyo intii xilkii laga qaaday Madaxweynihii waqtiga dheer xukumayay Cumar Albashiiri waxa hoos u dhacay qalalaasaha Amni-darro walay ay mar marka qaar dhici jireen weeraro kala duwan.

Horseed Media.2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *