Ra’iisul Wasaaraha XFS oo hey’adaha amaanka faray xoojinta amniga guud ee dalka

Published: March 1, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir la yeeshay taliyeyaasha hay’adaha ammaanka dalka iyo ciidammada AMISOM, kaas oo diiradda lagu saaray adkeynta amniga guud ee dalka, gaar ahaanna caasimadda Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray hay’adaha amnigu inay xoogga saaraan dardar gelin howlgallada ka dhanka ah argagixisida ee guud ahaan gobollada dalka iyo in si gaar ah loo adkeeyo amniga caasimadda oo lagu qabanayo doorashooyinka guddoonnada Labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *