Ra’iisul Wasaaraha XFS, Xamse Cabdi Barre oo u ambabaxay dalka Jabuuti

Published: November 8, 2022
Shares38

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre iyo wafdi hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Jabuuti.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti, Cabdulqaadir Kaamil Maxamed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu joogo Jabuuti waxa uu kulamo ku saabsan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada waddan uu la yeelan doonaa madaxda Jabuuti.

Waa safarkii Saddexaad oo uu Xamse Cabdi Barre ugu baxo dalka dibadiisa tan iyo markii loo magacaabay xilka Ra’iisul Wasaaraha, isaga oo horay u tegay dalalka Itoobiya iyo Tunisia.

Horseed Media