Ra’iisul Wasaare Kheyre oo digniin u diray Ganacsatada Gobolka Banaadir.

Published: April 16, 2020

Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa uga digay Ganacsatada Gobolka Banaadir inay sare u qaadaan qiimaha maciishada, kaddib markii uu shalay dhaqan galay canshuur dhaafkii dowladda u sameysay raashinka qutul daruuriga ee ka soo dega Dekeda Wayn ee Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xalay kulan qadka Muuqaalka ee Online la qaatay Ganacsatada Gobolka Banaadir, waxaana kulankaas diiradda lagu saaray sidii aanay Ganacsatada maciishada qaali uga dhigin maadama dawlada ay canshuur dhaaf u samaysay.

Qaar ka mid ah Ganacsatada ayaa soo dhoweeyay tallaabada dowladda ay canshuur dhaafka ugu sameysay, waxaana ay balan-qaaday in aanay wax qiimo kordhin ku sameyn doonin maciishada.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *