Ra’iisul Wasaare Rooble oo khadka Telefoonka kula hadlay Biixi iyo lacag loo fasaxay Somaliland

Published: April 4, 2022

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo khadka telefoonka kula hadlay Madaxwaynaha Somaliland Mudane Muse Bihi Abdi ayaa la wadaagay sida uu uga xanuunsaday musiibadii ka dhacday Hargeysa isagoo u muujiyay sida uu u garab taaganyahay dadkii Shacabka ahaa ee ku hanti beelay suqaasi

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhanka kale kulan la yeeshay ganaacsatada Soomaaliyeed isagoo kala hadlayay sidii loogu gurman lahaa ganacsatadii uu baabi’iyay dabkii weynaa ee ka kacay suuqa weyn ee Hargeysa, waxana kulankasi looga dhawaaqay lacag gaareysa 3 Milyan oo Doollar taas oo 1 Milyan oo ka mid ah ay bixineyso XFS halka 2 Milyan oo Doollar ay bixinayaan Ganacsatada Soomaaliyeed.

Dhinaca kale Ra’iisul wasaaraha Rooble ayaa amray in si deg deg ah loo fasaxo lacag dhan $ 11,700,000 ( Kow iyo Toban Milyan iyo Toddobo Boqol oo Kun oo Doollar) oo ku jirta xisaabta DFS, taas oo ah deeq caalami ah oo loogu talogalay mashaariicda horumarinta Somaliland, si loogu xoojiyo howlaha gurmadka ee looga jawaabayo masiibadii ka dhalatay dabkii baabi’iyay suuqa weyn ee magaalada Hargeysa.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *