Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo gaaray degmada Aadan Yabaal

Published: December 14, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo Wefdiga uu Hoggaaminayo ayaa gaaray degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellada dhexe.

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, dadka deegaanka, saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka iyo hoggaamiyaasha dadka deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ayaa soo dhoweeyay Raisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre iyo Wafdigiisa.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa kulamo la qaadan doona saraakiisha Ciidanka Dowladda iyo kuwa la yaqaan Macawiisleyda iyo dadka deegaanka.

Magaalada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ka mid ah magaalooyinka ugu muhiimsan ee dhawaan laga saaray Al-Shabaab

Horseed Media