Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo qaabilay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

Published: July 17, 2022
Xamse iyo Larry

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka ee Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta qaabilay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Larry Andre.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka ayaa ka wada hadleen xoojin xiriirka iyo wada shaqeynta u dhaxeysa labada dal ee Soomaaliya iyo Mareykanka.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyay dowladda Mareykanka taageerada ay siiso Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu sheegay in xukuumaddiisa cusub ay sii wadi doonto wadashaqeynta isla markaana ay xoogga saari doonto sugidda amniga dalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *