Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre & Danjiraha cusub ee Jarmalka oo ka wada hadlay la-dagaalanka Al-shabaab

Published: October 13, 2022
Shares24

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee dowladda Jarmalka usoo magacaawday Soomaaliya, Sebastian Groth, oo dhawaan uu madaxwyenha dalka, Xasan Sheekh Maxamuud ka guddoomay warqadaha aqoonsiga safiirnimo.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dowladood ka dhexeeya, iyo sidoo kale la-dagaalanka Al-shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey dowladda Jarmalka taageerada dhinacyada badan ee ay la garab taagantahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Safiir Sebastian Groth ayaa isna ka mahad celiyay soo dhaweynta dalka loogu sameeyay, waxuuna ballan qaaday inuu ka shaqeyn doono sii xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dowladood.

Horseed Media