Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre & Madaxweyne Siciid Deni oo ugu dambeyn kulmay

Published: October 28, 2022
Shares32

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa caawa booqasho iyo salaan ugu tagay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa isla soo qaaday qoddobo dhawr ah oo ay ugu horreeyaan xaaladda amniga iyo gurmadka abaaraha.

Kulanka waxaa ka qaybgalay La taliyaha Ra’iisul Wasaaraha ee Arrimaha Dib U Heshiisiinta, Cali Cabdi Awaare iyo Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Puntland, Cabdifataax Maxamed Cabdinuur.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabidii Xamse Cabdi Barre ee xilka Ra’iisul wasaarenimo ka soo horjeeday maadaama uu doonayey in isaga lagala tashado.

Horseed Media