Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo gaaray caasimada Dowlad degaanka Soomaalida ee Jigjiga

Published: October 17, 2022
Shares40

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wafdi u hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Jigjiga ee caasimada Dowald degaanka Soomaalida.

Ra’iisul Wasaaraha waxaa Garoonka diyaaradaha ee Garaad Wiil waal ee Magaalada jijiga kusoo dhaweeyay Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) iyo mas’uuliyiin kale.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Wafdigiisa waxaa ay kulamo kala duwan la qaadan doonaa Madaxda dowlad degaanka Soomaalida.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa madaxda DDS kala hadli doono arrimo ku saabsan xiriirka wadashaqeynd ee labada dhinac, iskaashiga amniga iyo la dagaalanka Al-Shabaab.

Xamse Cabdi Barre ayaa noqday Ra’iisul Wasaarihii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed ee taga dhulka dowlad degaanka Soomaalida oo ah dhul Soomaaliyeed balse hadda hoos taga dowladda itoobiya.

Horseed Media