Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo shir looga hadlayo Amniga Qaaradda Afrika uga qeyb gelaya Itoobiya

Published: October 13, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safar shaqo ugu ambabaxay Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa magaaalada Addis Ababa uga qeyb gali doona shirka caalamiga ee Madasha Tana oo looga hadlaya Amniga Qaaradda Afrika

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaaalada Addis Ababa uga qeyb gali doona shirka caalamiga ee Madasha Tana oo looga hadlaya Amniga Qaaradda Afrika.

Shirkaas waxaa ka qeyb geli doona Hoggaamiyaasha waddamada Qaaradda iyo kuwa xilal ugu soo qabtay.

Agaasimaha Warfaafinta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ahna Afhayeenka Xukuumadda Farxaan Jimcaale oo warbaahinta uga warbixiyay ujeedka Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inta uu socda shirka in lagu gorfeyn doona qataraha soo wajaha Qaaradda Afrika iyo sidii looga hortagi lahaa.

Shirka oo socon doona ku dhawaad todobaad, ayaa lagu wadaa in Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre uu ka jeediyo khudbad oo uu kaga hadlaya Xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo ka socda qaar ka mid ah Goballada Dalka.

Sidoo kale waxaa la filayaa in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Baree uu kulan duceedyo la yeesho qaar ka mid ah madaxda ka soo qeyb gashay shirka, isaga oo kala hadli doona sidii loo xoojin lahaa xiriirka ay Soomaaliya la leedahay dalalka ka soo qeyb galay shirka caalamiga ee Madasha Tana.

Horseed Media