Ra’iisul Wasaare Xamse oo maamulka Gobolka Banaadir kala hadlay sugidda amniga

Published: December 13, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta kulan ku saabsan sugidda amniga magaalada Muqdisho la qaatay maamulka cusub ee Gobolka Banaadir oo uu hoggaamiyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Yusuf Xuseen Jimcaale (Maddaale).

Kulanka oo ay sidoo kale ay ka qaybgaleen Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha, Maxamed Cali Xagaa iyo Wasiir Ku Xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Cabdiraxmaan Yusuf Cumar al-Caddaala, ayaa looga hadlay sugidda Amniga gobolka Banaadir iyo sidii shacabka loogu abaabuli lahaa ka qaybqaadashada ciribtirka Al-shabaab.

Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa guddoonka gobolka u sheegay muhiimadda ay leedahay in feejignaan dheeri ah la sameeyo, sarana loo qaado dadaallada lagu horumarinayo amniga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay maamulka cusub ee gobolka inay abaabulaan bulshada oo ay ku baraarujiyaan halista kooxda Al-shabaab ah si bulshada kaalinteeda u qaadato oo  laamaha amniga iyo maamulka gobolka ay garab ugu siiyaan ciribtirka Ururkan.

Guddoomiye, Yusuf Xuseen Jimcaale oo intii uu kulanku socday ka warbixiyay shaqooyinka socda iyo dardar-gelinta uu maamulka cusub ku wado howlaha mudnaanta u leh, gaar ahaan sugidda amniga magaalada.

Horseed Media