Ra’iisul Wasaare Xamse oo saraakiisha Booliska Soomaaliyeed kula dardaarmay xoojinta ammaanka

Published: October 25, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo kormeerey Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa kulan lagu xoojinayo ammaanka dalka la yeeshay saraakiisha iyo qeybaha  kala duwan ee talisyada ciidanka.

Ra’iisul Wasaaraha oo xusay ahmiyadda ciidanka boolisku u leeyihiin nabadda iyo isdhexgalka bulshada, ayaa kula dardaarmay saraakiisha uu la kulmay in la xoojiyo ammaanka, xilliyada ay socdaan howlgallada dalka looga sifeynayo Al-shabaab.

“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waa astaan muhiim u ah dowladnimada, hormurmaka iyo fulinta sharciga, waa inaad la timaadaan howlkarnimo iyo feejiganaan dheeraad ah, si bulshadeennu uga badbaado cabsi gelinta iyo ficillada gurracan ee argagixisadu maleegayaan”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.

Ra’iisul Wasaare oo tilmaamay doorka ciidanka Booliska Soomaaliyeed kaga aaddan deegaannada laga xorreeyey Al-shabaab, ayaa ku booriyey in kaalintooda sugidda nabadgelyada bulshada ay qaataan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah Xamse Cabdi Barre ayaa  kormeeray qeybaha ay ka kooban tahay xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee (Comando Polizia), isagoo warbxinno kaga dhageystay hoggaanada ciidanka. Sidoo kalena booqday xarunta ciidanka ilaalada xeebaha oo lagu soo bandhigay howlaha ay qabtaan.

Horseed Media