Ra’iisul Wasaare Xamse oo ku dhawaaqey guluf ka dhan ah argagixisada

Published: July 20, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa magaalada Muqdisho ku shir-guddoomiyey kulan ku aaddan iskaashiga Soomaaliya iyo Midowga Afrika ee ammmaanka dalka iyo la-dagaallanka argagaxisada oo uu la qaatay wakiillo ka socday Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika oo soo gaaray Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha oo khudbad ka jeediyey shirka, ayaa uga mahadceliyey Midowga Afrika naf-hurnimada ay sameeyeen ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa tilmaamay in ay Soomaaliya isu diyaarinayso guluf weyn oo ka dhan ah kooxaha argagaxisada, si loo furo waddooyinka muhiimka u ah gargaarka iyo isu-socodka, isagoo dalbaday isku-xirnaan iyo wadajir dhinaca hawlgallada ah. Sidoo kale, waxa uu xusay in dib-habayn lagu samaynayo maaliyadda dalka, si looga hor istaago maalgelinta argagaxisada.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay kor u qaadi doonto tayada iyo kartida hay’adaha amniga, si ay ula wareegaan masuuliyadda amniga dalka, sida ku xusan go’aankii Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey ee tirsigiisu yahay 2628.

“Si taas lamid ah, dowladdan waxa ka go’an in sare loo qaado wacyiga dadweynaha iyo abaabulka qaybaha kala duwan ee bulshada oo ay ku jiraan culimada, odayaasha dhaqanka, ganacsatada, haweenka iyo dhallinyarada, si qolo walba ay intii karaankeeda ugu biiriso dadaallada aan ugu jirno ciribtirka argagaxisannimada.”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dalbaday in la joogteeyo taageerada la siiyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isagoo ballan-qaaday in ay diyaar u yihiin iskaashi dhow iyo isku-xir wanaagsan oo lagu xaqiijinayo adkaynta guulaha la gaaray.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *