Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan oo weerar lagu dhaawacay

Published: November 3, 2022
Shares26

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa laga dhaawacay lugta kadib markii kolonyo baabuur oo uu la socday la rasaaseeyey xilli uu ku sugnaa bariga dalkaas.

Weerarka ayaa ka dhacay magaalada Wazirabad, oo qiyaastii 200 km u jirta magaalada caasimadda ah ee Islamabad.

Khan ayaa xabadda waxay kaga dhaacday kal-dheerta lugta, sida uu sheegay Fawad Chaudhry oo ah afhayeenka xisbiga PTI ee uu hoggaamiyo Imran Khan.

Javad oo dhiig uu ka buuxay dharkiisa ayaa isaga oo isbitaalka ku jira u sheegay taleefishinka Geo qaar badan oo ka mid ah saaxiibadeena ayaa dhaawacmay. Waxaan maqlanay in mid ka mid ah uu dhintay.

Nin lagu tuhmayo weerarka ayaa la toogtay sida uu sheegay mid ka mid ah kaaliyeyaasha Khan.

Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif ayaa cambaareeyey toogashada, wuxuuna amray wasiirka arrimaha dibedda inuu ku sameeyo baaritaan deg deg ah.

Khan, oo 70 jir ah, ayaa hoggaaminayey dibadbax lagu tagayey magaalada caasimadda ah ee Islamabad oo lagu dalbanayo doorashado waqtigeeda kasoo hormarta.

Horseed Media