Ra’isul Wasaare Khayre oo Paris Kula Kulmay Wasiirka Arrimaha Dibada Ruushka

Published: November 12, 2019

Ra’isul wasaaraha xukuumadda federaalka Xasan Cali Khayre oo ka magaaladda Paris ee dalka Faransiiska kaga qaybgalaya madasha nabadda ee Paris ayaa shir doceed la yeeshay wasiirka arrimaha dibada ee Ruushka Sergey Lavrov.

Ra’isul wasaaruhu wuxuu kala hadlay wasiirka arrimaha nabadgelyada Somaliya iyo sida saaxiibada Soomaaliya ay u taageeri Karaan dib-u-dhiska Soomaaliya.

Ra’isul Wasaare Xasan Cali Khayre oo Khudbad ka jeediyay kulanka sanadlaha ah ee madasha nabadda Paris oo galay maalintiisii labaad wuxuu kaga hadlayay gaaridda hadafyada horumarka waara ee 2030, ka caddeeyay inay muhiim tahay in la qiimeeyo dhammaan xaaladaha dunida ka jira si loogu guuleysto himilooyinka oo dhan.

“Hannaanka guud ee lagu gaarayo hadafyada horumarka waara (SDGs) ma aha inuu hannaan Qura ku habboonyahay xaaladaha oo dhan. Xaaladda Soomaaliya waa mid gaar ah. Codsigeygu waa inaan cidna gadaal looga tegin.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Shirka sanadlaha ah ee madasha nabadda Paris ayaa looga hadlaya xal u helidda dhibaatooyinka ka jira daafaha caalamka.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *