Ra’isul Wasaare Ku-Xigeenka Spain oo Laga Helay Coronavirus

Published: March 26, 2020

Xukuumadda Spain ayaa xaqiijisay in Ra’isul wasaare ku-xigeenka wadankaasi Carmen Calvo laga helay cudurka Coronavirus.

Haweenayda oo 62 Jir  ayaa la dhigay cusbitaalka iyadoo laga daaweeynayo xanuun ka haleelay habdhiskeeda neefmareenka iyo Cudurka Coronavirus.

Haweeynadan oo hore looga baaray Coronavirus balse laga waayay ayaa ka qaybgashay Shirweynihii maalinta Haweenka adduunka ee 8 march, halkaasi oo isugu yimaadeen kumaankun haween ah, waxay kaloo ka qaybgashay shirar kale oo dad badani isugu yimaadeen sida ay sheegeen Saraakiisha xukuumadda Spain

Warbaahinta maxaliga ah ee Spian ayaa sheegtay in haweenaydan laga helay Coronavirus ay la kulantay Ra’isul wasaaraha Dalkaasi Sanchez, hase yeeshee lama sheegin in Ra’isul wasaaruhu uu galay karantiil iyo in kale.

Spain ayaa ah dalka labaad ee tirada ugu badan ay uga dhinteen Cudurka Coronavirus, waxaana u dhintay 3,434, halka tirada dadka uu ku dhacay cudurkuna ay gaadhay 47,610 kiis.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *