Raysal-Wasaaraha DFS oo la kulmay Maamulka Rugta Ganacsigga.

Published: March 21, 2020

Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xafiiskiisa kula kulmay maamulka Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed iyo qaar ka mid ah ganacsatada Gobolka Banaadir, Raysal-wasaaraha ayaa kala hadlay sida la iskaga kaashan karo ka hortagga faafidda cudurka Coronavirus ee sida safmarka ah u saameeyay caalamka.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu dar-daarmay ganacsatada in aysa wax saameyn ah ku yeelan maciishadda tallaabooyinka looga hortagayo faafidda caabuqan, isla markaana ay dowladdu kala shaqeyneyso ganacsatada fududeynta waxyaabaha muhiimka u ah nolosha bulshada si aysan kor ugu kicin maciishada daruuriga ah.

Ra’iisul Wasaraaha ayaa ganacsatada Soomaaliyeed uga mahadceliyay sida ay qeybta uga qaateen dadaallada looga hortagayo cudurka Coronvirus, Kulankaan waxaa sidoo kale qeyb ka ahaayeen mas’uuliyiinta hay’adaha dowladda ee ku howlan howsha ka hortagga cudurkan oo soo bandhigay warbaxin ka hadlaysa waxyaabaha qabsoomay iyo qorshayaasha looga gaashaamanayo Coronavirus.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *