Raysal Wasaaraha Soomaaliya Oo Ka Tacsiyeeyey Qaraxii Ka Dhacay Muqdisho

Published: November 28, 2020
Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyeey geerida dhalinyaradii caawa ku dhimatay qaraxii ka dhacay maqaayad ku taal Muqdisho, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 6-ruux.

Qaraxa oo ahaa mid aad u xooggan ayaa waxaa fuliyay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa, kaasi oo isku qarxiyay maqaayadan oo lagu magacaabo Gelato Divino, taasoo kahor inta uu qaraxu dhacin ahayd mid aad u mashquul badan.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelada dadkii ku dhintay qaraxii argagixisadu caawa la eegteen maqaaxi ay dad shacab ahi ku sugnaayeen magaalada Muqdisho. Eebbe ha u naxariisto inta dhimatay, dhaawacyadana Allaha bogsiiyo. Waa in aan u midownaa la dagaallanka argagixisada”.

RW Rooble

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *