Raysal Wasaare Kuxigeenka Soomaaliya Oo Daahfuray Mashruuca Adkeysiga Sugnaanta Cuntada iyo Nafaqada Geeska Afrika

Published: December 23, 2023

Ra’iisul Wasaare  ku xigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac oo wehliyo wasiirka wasaaradda xanaannada Xoolaha ee XFS Xasan Xuseen Maxamed ayaa si rasmi Moqdisho uga daah furay mashruuca adkeysiga sugnaanta cuntada iyo nafaqada geeska Afrika qeybtiisa Soomaaliya.

Mashruucaan oo uu maalgalinayo Banka horumarinta Africa ayaa xoogga saari doona horomarinta kaabayaashii uu dalka lahaa gaar ahaan xanaannada xoolaha sida goobihii caafimaadka xoolaha, seerooyinkii, biyo xireenadii, warihii xoolaha ka cabi jireen iyo si guud illaalinta badqabka xoolaha nool.

Barnaamijkaan adkeysiga sugnaanta cuntada iyo nafaqada geeska Afrika qeybtiisa Soomaaliya ayaa si guud u gaari doona gobalada dalka kaasoo ay ka faa’iideysan doonaa dhammaan xoola dhaqatada Soomaaliyeed.

Daah furka mashruucan sidoo kale waxaa goob joog ahaa wasiirro ka tirsan xukuumadda Danqaran iyo wasiiradda xanaannada Xoolaha ee dowlad goboledyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya.

Horseed Media