Raysal Wasaare Rooble Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Lagu Soo Dhoweeyey Kuwayt – VIDEO

Published: October 4, 2020

Raysal Wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa caawa gaaray magaalada kuwayt ee caasimadda dalka Kuwayt.

Waxaa raysalwasaaraha iyo wafdigiisa soo dhaweeyay xubno ka tirsan dowladda Kuwayt, iyagoona halkaas kaga qeybgeli doona tacsida iyo ducada amiirkii dhowaan geeriyooday Sheikh Sabaax Alaxmed Alsabaax.

Siihayaha wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukumadda federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo la hadlay warbaahinta ayaa faahfaahiyay socdaalka raysalwasaaraha iyo madaxda ay la kulmi doonaan.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *