Raysal Wasaare Rooble Oo Gaaray Cadaado

Published: December 17, 2020

Wafdi uu hogaaminayo Raysal wasaaraha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo uu wehliyo madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Qoor-qoor ayaa maanta gaaray magaalada Cadaado.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta ay joogaan Cadaado waxa ay u kuurgalayaan xaaladaha nololeed iyo baahiyaha ay qabaan shacabka ku nool Cadaado ee dhinacyada kaabayaasha bulshada, taasoo qeyb ka ah barnaamijka xukuumadda ee horumarinta adeegyada bulshada.

Raysal wasaare Rooble ayaa shacabkii soo dhaweeyey u mahadceliyey, wuxuuna sheegay inta uu joogo inuu kulamo lagu xoojinayo nabadda iyo horumarka la sameyn doonno qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool degmada Cadaado.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *