Raysal Wasaare Rooble Oo Gudoomiyey Shirka Golaha Wasiirada Galmudug

Published: December 15, 2020

Raysal wasaaraha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo uu wehliyo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor ayaa caawa guddoomiyey shirka golaha wasiirada Galmudug.

Kulankan oo ay soo xaadireen wasiirada labada heer federaalka iyo Galmudug ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga Amniga, Dhaqaalaha, maamul daadejinta, dardargelinta adeegyada bulshada, mashaariicda Horumarineed & la dagaalanka Ayaxa.

Kulankan oo uu madaxweynaha ku wehlinayey madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ayaa kusoo idlaaday guul iyo is-afgarad.

Dhanka kale Raysal wasaare Rooble ayaa wada kulamo uu la qaadanayo qaybaha kala duwan ee bulshada Galmudug, wuxuuna sidoo kale caawa la kulmay dhalinyarada magaalada Dhuusamareeb.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *