Raysal Wasaare Rooble Oo Ka Qaybgalay Salaada Janaasada marxuum General Galaal

Published: February 1, 2021

Raysal Wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta masjidka isbahaysiga kaga qeyb galay salaadda Janaasada marxuum General Maxamed Nuur Galaal oo xalay lagu dilay weerarkii lagu qaaday hotel Afrik.

Raysal Rooble ayaa Allaah uga baryey inuu Janadii Fardowsa ka waraabiyo dhammaan dadkii ku geeriyooday weerarkii argagixisadu shalay ku qaadeen hotel Afrik ee magaalada Muqdisho, isagoo Allah uga baryay in uu caafimaad deg deg ah siiyo dadka dhaawaca ah.

Marxuumka ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda lagu aaso degmada Guri-ceel ee gobolka Galguduud kadib markii ay codsadeen ehelada marxuumka.

Alle ha u naxariistee Gen. Galaal ayaa kamid ahaan jirey saraakiishii hore ee Ciidankii Soomaaliya, kuwaas oo tababaro ku soo qaatey dalalka Talyaaniga iyo Ruushka, aadna ugu dhawaan jirey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre (AUN) intii uu xilka hayey.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *