Raysal Wasaare Rooble Oo Kormeeray Waddooyinka Muqdisho

Published: October 26, 2020

Raysal wasaaraha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamud Xuseen Rooble ayaa xalay kormeeray Jidka Tarabuunka oo halboowle u ah isu socodka Caasimadda, si uu u hubiyo fulinta amarkii ku aaddanaa isu socodka bulshada iyo gaadiidka ee uu faray laamaha ammaanka.

Rooble ayaa laamaha amniga dowladda faray inay wadashaqeyn dhow la yeeshaan shacabka, si looga hortego falalka amni darro ee xiliyada qaar dhaca.

“Bulshada Caasimadda waxa ay nala wadaageen sida ay uga go’an tahay in ay la shaqeeyaan Laamaha amniga oo wakhti kasta u taagan badqabka nafta iyo maalka muwaadiniinta Soomaaliyeed. Qof kasta waxaa waajib Qaran ku ah fashilinta dhagarta ay dadkeenna u soo maleegayaan argagixisadu.”

RW Rooble

Safaaradda Qatar ayaa maalmo ka hor u guurtay dhismo ku yaalla nawaaxiga Garoonka, waxaana taasi keentay in dhagxaanta wadadaas taallay la qaado, ayna dowladda federaalka, si rasmi ah ay u furtay kadib muddo 10 sanno ah oo ay xirnayd.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *