Raysal Wasaare Rooble Oo Lagu Soo Dhoweeyey Jabuut

Published: May 14, 2021

Raysal wasaaraha xilgaarsiinta ee dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta si heer sare loogu soo dhoweeyey magaalada Jabuuti.

Rooble ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Jabuuti kusoo dhaweeyay dhiggiisa Jabuuti Maxamed Cabdulqaadir Kaamil, wasiirro iyo mas’uuliyiin kale, waxaana intaas kadib loo galbiyay halka loo diyaariyay inuu dego isaga iyo wafdigiisa.

Ujeedka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Rooble ayaa waxaa uu yahay ka qeyb galka Munaasabadda Caleemo-saarka Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo markii shanaad dib loo doortay.

Raysal wasaaraha ayaa inta uu ku sugan yahay Jabuuti kulamo la qaadan doona qaar kamid ah madaxda ka qeyb galeysa Caleemo-saarka Madaxweyne Geelle, iyagoo ka arrinsan doona xaaladda Soomaaliya iyo Arrimo kale.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *