Raysal Wasaare Rooble Oo Xaaladda Abaaraha Kala Hadlay Safiirka UK

Published: March 28, 2022

Raysal Wasaaraha Xil-gaarsiinta ee dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay Safiirka Dowladda UK ee Soomaaliya Kate Foster oo ay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka dalka, dhacdooyinkii qaraxyada ahaa ee u dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho iyo Beledweyn iyo xaaladaha bani’aadminimo iyo gurmadka abaaraha dalka ka jira.

Safiir Kate Foster ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga tacsiyeysay dadkii waxyeelladu ka soo gaartay weerraradii  ka dhacay Muqdisho iyo Beledweyn iyadoo sheegtay in Britain ay ku garab taagan tahay xukuumadda iyo shacabka Soomaaliyeed dadaalkooda xaqiijinta nabadda dalkooda.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa xaqiijiyay in ay ka go’an tahay in qeybaha ka harsan doorashooyinka dalka oo gebogebo maraya ay ku soo dhammaadaan si nabad ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *