Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre Oo Daahfuray Machadka Dacwadda iyo Daraasaadka Islaamka

Published: January 4, 2024

Raysal wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo xarigga ka jaray Machadka Dacwadda iyo Daraasaadka Islaamka, ayaa sheegay machadkani looga fadhiyo in uu soo saaro aqoonyahan diimeed oo bulshada ku haga jidka saxda ah ee ay shareecadu ina fareyso.

Xamse Barre ayaa tilmaamay in aqoonyahanka ka howlgalaya machadkani ay ku yimaadeen tartan furan, taas oo ka tarjumeysa sida ay Xukuumadda Danqaran mudnaanta u siineyso daah-furnaan iyo in aqoon lagu tartamo.

Ra’iisul wasaaraha ayaa xusay in xaruntani loo aas-aasay kobcinta diinta Islaamka iyo in bulshada Soomaaliyeed ay helaan aqoonyahan faham buuxa u leh axkaamta kala duwan ee shareecada Islaamka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta iyo Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo tacliinta sare hirgelinta Machadka Dacwadda iyo Daraasaadka Islaamka, isaga oo faray in xaruntani ay noqoto mid tayo leh oo u dhammeystiran yihiin dhammaan adeegyadii ay ku shaqeyn lahayd.

Horseed Media