Raysal Wasaare Xamse oo hambalyo u diray Ciidamada CXDS ee la wareegay Deegaanka Buulo-Xaaji ee Gobolka Jubbada Hoose

Published: June 10, 2024

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa ugu hambalyeeyay ciidamada geesiyaasha Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada Jubbaland guusha ay ka gaareen dagaalka cadowga looga sifeynayo deegaannada Jubbaland.

Ciidanka ayaa saaka si buuxda ula wareegay Deegaanka Buulo-Xaaji ee Gobolka Jubbada Hoose oo 80-KM dhanka Koonfureed kaga beegan magaalada Kismaayo.

“Waxaan ku ammaanayaa Ciidammada halyeeyada Qaranka ee sida geesinnimada, dadaalka iyo daacadnimadu ku jirto uga xoreynaya Khawaarijta deegaannada fara kutiriska ah ee ay gacanta ku hayaan”.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladdu ay gacanna kula dirirayso Khawaarijta gacanna ay ku daryeelayso shacabkeeda, isaga oo intaas ku daray in goobaha la xoreeyey la gaarsiin doono adeegyadii aas-aasiga ahaa sida waxbarasho, caafimaad iyo nabadgalyo, si la mid ah  deegaanadii kale ee laga xoreeyay Khawaarijta.

Horseed Media