Raysalwasaaraha cusub ee Baxreyn oo la magacaabay

Published: November 12, 2020

Raysalwasaarihii hore ee Baxreyn Sheikh bin Khalifa bin Salman al-Khalifa ayaa shalay geeriyooday xili uu ku jiray isbitaal ku yaal dalka Maraykanka.

Raysalwasaarihii geeriyooday ee Baxreyn ayaa ahaa midkii ugu xil dheeraa caalamka isagoo xilkaasi qabtay sanadkii 1970, wuxuuna ahaa 80 sano jir.

Boqorka Baxreyn ayaa Amiirka dhaxal-sugaha Salman bin Hamad al-Khalifa u magacaabay Raysalwasaaraha cusub.

Boqortooyada Baxreyn oo inta badan ku tiirsan dalka Sacuudiga ayaa sanadkan kamid noqotay sadexda dal Carabeed ee heshiiska la galay Israel.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *